Ku dhow 500 maahmaah Soomaaliyeed oo qaybo leh, mid maalin kasta, offline.
Maahmaah waa app-ka maahmaahyada Soomaaliyeed. Ku dhow 500 maahmaah oo loo kala soocay qaybo sida Aabbe, Aqoon, Talo, Geel, Guur iyo Geesinimo – dhammaantood hal meel, xitaa marka aadan internet haysan.
★ MAAHMAAHDA MAANTA
Maalin kasta maahmaah cusub ayaa kuu soo baxda bogga hore. Haddii aad rabto, xusuusin maalinle ah ayaa kuu imanaysa saacadda aad doorato.
★ QAYBO IYO DHAMMAAN
• Ku baadh qaybo kala duwan
• Ama akhri dhammaan, mid mid – liis cusub mar kasta oo aad furto
• Raadi erey kasta oo maahmaah ku jira
★ AKHRI SI DEGGAN
• Muuqaal nadiif ah oo far waaweyn leh
• Farta ku mari si aad u aragto maahmaahda xigta
• Kaydi kuwa aad jeceshahay (Kaydsan)
• Koobiyee hal taabasho
★ U WADAAG SAWIR AHAAN
U wadaag maahmaah sawir qurux badan ah – cad ama madow – WhatsApp, Facebook, TikTok, Instagram iyo meel kasta. Ama u dir qoraal ahaan.
★ WAXYAABO KALE
• Habeen iyo maalin (dark mode)
• Cabbirka qoraalka waad beddeli kartaa
• Maahmaahyo cusub ayaa si toos ah ugu soo biira
• Wararka iyo maahmaahyada cusub ee kooxda Maahmaah (waad dami kartaa)
• Ma jiro akoon, ma jiro xayeysiis
Ma aragtay khalad? Taabo calanka maahmaahda dusheeda oo noo soo sheeg.
Su'aalo ama fikrado:
[email protected]